Somali News

Puntland oo xukun dil ah fulisay

Wararka ka imanaya Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Maamulkaasi saaka uu fuliyay xukun dil ah.

Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo 3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal Puntaland.

Kiiska Faarax Cabdi Caagane ayaa maxkamadaha Puntland yaallay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Kiiska dilka ah ee ay fulisay maanta waa kii ugu horreeyay muddo Ku dhow 8 bilood waxaana dikiii ugu danbeeyay lagu fuliyay Raggii kufsaday Caasho Ilyaas Adan.

Back to top button