Somali News

Q.M oo ka digtay Koronkoro ka dillaacay Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay Koronkoro ka dillaacay meelo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaana Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Beeraha ayaa waxa uu u dhignaa.

DIGNIIN–Koronkor ayaxa saxaraha ah ayaa ka dilaacay maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Ceelguula ee Galmudug, iyadoo la saadaalinayo kuwo kale oo badan toddobaadyada soo socda. Hay’adda Cunada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay qeybta Soomaaliya (FAOSomalia) oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa kordhineysa hawlgallada cirka iyo dhulka ah ee meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Back to top button