Somali News

Q.M oo ka tacsiyeysay geerida Wakiilkii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya

Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wakiilkii hore u qaabilsanaa Midowga Afrika Jerry Rawlings.

Jerry Rawlings oo sidoo kale ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana ayaa dhawaan ku geeriyooday dalkaasi waxaana dalka Ghana looga dhawaaqay baroordiiq todobaad ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxa uu ka murugeysanyahay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings, oo horay u soo noqday Wakiilka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 2010-2012, waxa ayna UNSOM tacsi u direysaa qoyskiisa, saaxiibbadiisa iyo muwaadiniinta dalkiisa”.

Dalka Ghana ayaa waxaa uu ka midyahay Waddamada ku jira Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna qeybta Booliska.

Back to top button