Somali News

Q.M oo muddo kordhin u sameysay howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey  ayaa sanad ugu daray howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ee laga wado Xeebaha Soomaaliya.

Golahu waxaa uu soo dhaweeyay in 13kii bilood ee la soo dhaafay aysan wax weerar burcad badeed ah ka dhicin xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ayaa soo billowday sanadkii 2008dii waxaana sanadkasta loo sameynayay muddo kordhin sanad ah.

KooxahBurcad Badeedda Soomaalida ayaa weerarradooda dhaafiyay biyaha Soomaaliya waxaana ay u gudbeen gacanka cadmeed, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.

 

Back to top button