Somali News

Q.M oo sheegtay in Soomaaliya ay amaankeeda la wareegeyso sanadka soo socda

Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay amaankeeda la wareegeyso sanadka soo socda.

qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaiya ayaa waxaa lagu sheegay sidan; Waxaa la filayaa in 2021 uu sanad is bedel u noqdo ammaanka Soomaaliya, sanad kala guur oo ay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ammaanka mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegayaan ciidamada AMISOM.

Wakiilo ka socday Dowladda Federalka, Dowladaha xubnaha ka DFS iyo saaxiibada caalamka ayaa dhawaan ku kulmay Muqdisho si ay u lafa guraan mustaqbalka. Ka daawo muuqaalkan faahfaahin intaas dheer!

Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyada oo Ciidamo ka mid ah Milatariga Soomaaliya tababar loogu soo xiray Muqdisho.

Back to top button