QormooyinkaSomali NewsWarbixinXulashada

Qadar oo $9Milyan Ku wareejisay Fahad Yaasiin!!

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa diyaarad dhaqaale farabadan sidda taas oo ay  dowladda Qadar soo dirtay.

Lacagtan oo cadadkeeda lagu sheegay $9Milyan ayaa waxaa loogu talagalay in lagu iibsado codadka Xilshibaannada dooranaya madaxweynaha.

Dowlada Qadar ayaa lagu warramayaa in lacagtaas ay Ku wareejisay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha NISA heystana dhalashada dalka Qadar.

Fahad oo ay warbixintu xuseyso in maalmihii la soo dhaafay uu Ku sugnaa dalka Qadar ayaa la sheegay in uu soo laabtay.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu iibsado 245 cod oo ka mid ah 329ka cod ee xubnaha labada aqal.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa waxaa ay deegaan doorashada u xil saareen koox uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Cabdullahi Daahir.

Sida warbixibtu muujisay Cabdullahi wuxuu qaabilsanyahay hoggaaminta koox ka shaqeyneysa xulista xildhibaannada ee dhinaca dowladda.

Waxaa ay awood u leeyihiin faragelinta ergooyinka beelaha si ay u soo doortaan xildhibaan taageersan Farmaajo.

Warbaahinta ayaa sidoo kale hadal heysa ogolaanshaha Farmaajo ee doorasho waqtigeeda Ku dhacda taas oo kedis Ku noqotay mucaaridka oo aan diyaar garoobin.

Dowladda Qadar ayaa taageero la garabtaagan Madaxweyne Farmaajo oo ay saaxiibo dhowyihiin Taliyaha NISA.

Doorashada Soomaaliya ayaa hadda qorsheysan in ay dhacdo 8 February sanadka 2020/2021, taas oo haddii ay sideeda Ku dhacda ka dhigay hanaan cusub uu soo kordhinayo Madaxweyaha xafiiska jooga.

Xigasho: Burq Sudan.

Back to top button