FeaturedSomali News

Qaramada Midoobay, maxay ka tiri raysal wasaaraha la dhaariyay shalay ? | Akhri Xogtan.

Ururka Qaramada Midoobey, ayaa soo dhoweeyay raysal wasaaraha shalay la dhaariyay ee Maxamed Xuseen Roobl, oo bedelay raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo hadda ah musharax madaxweyne oo u taagan doorashada 2020-2021.

 

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midooobey ay ku leedahay Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya uu hambalyaynayo raysal waasaraha wakhtigan kooban haysta ee shalay baarlamanku ansixiyay.

 

“Qaramada Midoobey si diirran ayey u hambalyeyneysaa Maxamed Xuseen Rooble, markii la xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxay u rajeynayaan guul, madaama uu la wareegayo doorkan hoggaamineed ee muhiimka ah xilli xasaasi ah taariikhda dalka. Wuxuuna u xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay, isku duubnida iyo iskaashiga” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

 

Beesha Caalamka, ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay ka walaacsantahay heshiiska arrimaha doorashooyinka ee dhowaan ay gaareen madaxda maamullada iyo dawladda Federaalka ahi, hase ahaatee Qaramada Midoobay oo siwayn uga dhex muuqatay  arragtida beesha caalamka ayaa taageero u muujisay raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

 

Back to top button