Somali News

Qaramada Midoobay oo Wakiil cusub u soo magacawday Soomaaliya (Nicholas Haysom-Warbixin)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres  ayaa ninka lagu magacaabo  Nicholas Haysom si rasmi ah ugu magacaabay Soomaaliya Ergey cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika ayaa loo magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Danjire Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska soo hayey tan iyo 22-kii November, 2015, kaasoo isna bedelay ergaygii ka horreeyay ee Q/Midoobay ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee Q/Mdoobay u qaabilsanaa dalalka Sudan Koonfurta Suudab wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale wuxuu ahaa kaaliye howl-galka Q/Midoobay ee dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen bartay sharciga oo ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

Tags
Back to top button
Close
Close