Somali News

Qaramada Midoobey iyo Hindiya oo ka wadahadlay Siyaasadda Soomaaliya

Qaramada Midoobey iyo Dowladda Hindiya ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya ee xilligan.

James Swan Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga Kenya ayaa la kulmay Danjiraha Hindiya ee dalka Kenya.

Xaaladda siyaasadda, amniga  iyo sidoo kale doorashooyinka Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa arrimaha looga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Hindiya ee Kenya Dr. Virander Paul .

James Swan ayaa sidoo kale Nairobi kula kulmay Danjiraha Sucuudiga ee Kenya Mohammed Khayat waxaana uu kala hadlay arrimaha doorashada. siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa ku dadaaleysa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta islamarkaana amaan ah.

Back to top button