Somali News

Qaramada Midoobey oo dhaqaale ku bixineysa shirka Siyaasadda Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa.
“Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida,” ayuu yiri James Swan.

Back to top button