Somali News

Qaramada Midoobey oo ka digtay in la is maquuniyo xilliga doorashada Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay doorasho la isu awood sheegto oo ka dhacda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu yiri.

Iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay doorashooyin qabato, Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka.

Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda oggolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Back to top button