Somali News

Qaramada Midoobey oo ka hadashay kulankii Ra’isalwasaaraha Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kulan wakiillada Beesha Calamka ay shalay la yeesheen Ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu yiri;

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsantahay inay ku biirto deeq bixiyaasha dhanka doorashooyinka dalka iyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya kulankii horraantii todobaadkan ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

kulankaas oo looga hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo hufnaanta, wada-oggolka, iyo sida ay saaxiibbadu gacan uga geysan karaan arrinkaa.

Back to top button