Somali News

Qaramada Midoobey oo ka hadashay Shaqaale looga dilay Muqdisho

Hay’adda UNICEF ayaa cambaareysay weerar lagu dilay laba ka mid ahaa shaqaalaheeda oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Kaxda ee lagu dilay shaqaale ka shaqeynayay Tallaalka Cudurka Dabeesha.

Qaramada Midoobey ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhiga kuwii ka dambeeyay weerarkaas.

Koox hubeysan ayaa degmada Kaxda Ku dilay Guddoomiyihii waaxda 5aad iyo shaqaale Caafimaad oo la socday.

Waxaa Ku xigay Qarax Gaari loo adeegsaday oo isla goobta ka dhacay kaas oi khasaare kale geystay.

Back to top button