Somali News

Qaramada Midoobey oo ka hadashay Shirka Dhuusamareeb

Qaramada Midoobey Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd 23-ka saxiixayaal bayaan ay si wadajir ah u soo saareen saxiibbada beesha caalamka, kaas oo lagu soo dhoweeyey magacaabista Guddiyada Heer Dowlad Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubaland iyo Puntland.

“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay,” ayey saaxiibbadu sheegeen.

Saaxiibbada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

“Saaxiibbadu waxa ay ku baaqayaan hannaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhammayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka.

Back to top button