Somali News

Qaramada Midoobey oo ka hadashay Shirka uu shaaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay hadalkii xalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku iclaamiyay shirka DHuusamareeb.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey laguna baahiyay bogga baraha bulshada ee Qaramada Midoobey ayaa lagu yiri.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isugu yeeray shir looga hadlayo doorashooyinka dalka kaddib shirkaasna waxaa uu isugu yeeray Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Back to top button