Somali News

Qaramada Midoobey oo sheegtay Hub ay lahayd DF in loo adeegsaday weerarkii Manda Bay

Kooxda baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay natiijada baaritaan ay Ku hayeen weerarkii saldhigga Mareykanka ee Kenya.

Warbixinta kooxda waxaa lagu sheegay in Rasaasta iyo Hubka ay wateen kooxdii Al shabab ee weerarkaas fulisay in ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa warbixintu intaas Ku dartay in Hubka iyo Rasaasta ay Ku dagaal galeen Al shabab laga furtay Ciidamada dowladda gaar ahaana qeybta 60aad ee deegaannada koofur Galbeed.

Kooxda baarayaasha ah ayaa xusay in hubkaad dowladda Soomaaliya la siiyay Bilihii November iyo December ee 2017kii kaddibna uu ku dhacay gacanta Al shabab.

Baarayaashu waxaa ay sheegeen warbixinta baaritaankooda ay Ku wargeliyeen Dowladda Soomaaliya.

Weerarkii Manda bay ee dhacay 5tii January 2019 waxa Ku dhintay saddex qof oo Mareykan ah, waxaa lagu gubay diyaarado dagaal oo saldhigga yaallay.

 

Back to top button