Somali News

Qaramada Midoobey oo sheegtay in ay caawisay 12kun qof oo ay sameysay Duufaanta Gati

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay kaalmeysay dad ka badan 12kun oo qof oo Soomaali ah kuwaas oo ay saameyaay duufaantii GATI ee dhawaan ku dhufatay Gobollada Bari ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay.

“Qaramada Midoobay ayaa gacan ka geysatay caawinta qoysas gaaraya 12,650 oo ay saameyn ku yeelatay duufaanta Gati oo dhawaan ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland, gargaarkan ayaa isugu jiray hoy, waxyaabaha aan cuntada ahayn, iyo adeeg caafimaad.

dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa aad ugu baahan kaalmo degdeg ah si ay dib ugu soo ceshadaan noloshoodii,

gaar ahaan, in ay dib helaan xoolo ay dhaqdaan, in ay hagaajistaan qalabkoodii kalluumeysi ee waxyeelladu soo gaartay iyo in laga caawiyo ganacsatada yaryar dib u yagleelidda ganacsiyadoodii.

Dadkan ayaa sidoo kale u baahan in loo dayactiro iskuulada burburay, nidaamka biyaha, xarumaha caafimaadka iyo waddooyinka.

Dad ka badan 120,000 qof ayey dhibaatadu ka soo gaartay Duufaanta Gati, gaar ahaan dadka ku nool degmooyinka Boosaaso, Xaafuun, Gumbax iyo Iskushuban”.

Back to top button