Somali News

Qaramada Midoobey oo sheegtay in uu xiriir ka dhaxeeyo Al-shabab iyo Waqooyiga Kuuriya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay suuragal tahay jiritaanka xiriir ka dhaxeeya Al shabaab iyo Dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Kooxda Panel of Expert ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al shabaab ay adeegsadeen Hoobiyayaal ay farsameysay Waqooyiga Kuuriya.

Al shabaab ayaa billowgii sanadkan weerar ku qaaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho halkaas oo ay waxyeello ka soo gaartay Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey.

Weerarka oo duqeyn ahaa ayaa loo adeegsaday Hoobiyayaal markii la baaray ay soo baxday in ay sameysay Waqooyiga Kuuriya.

Guddiga waxaa uu sheegay in xiriir weyn uu u dhaxeeyo Waqooyiga Kuuriya iyo Al shabaab maaddaama  Al shabaab adeegsadeen hub ay sameysay Waqooyiga Kuuriya.

Kooxdan ayaa dabagal joogto ah ku heysa xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna arrimaha amaanka iyo xuquuql insaanka waxaana ay soo saaraan Warbixinno sanadle ah.

Back to top button