Somali News

Qaramada midoobey oo war ka soo saartay kulanka Rooble & James Swan

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay kulan Magaalada Muqdisho Ku dhexmaray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wakiilka Qaramada ee Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu yiri;

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaa sharaf u aheyd in uu dhowaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyagoo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay oo fool ka fool ah, kaas oo ay uga wada hadleen arrimaha mudnaanta guud leh ee dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha, amniga iyo nabad-dhisidda, iyo sidoo kale horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Back to top button