Somali News

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay weerarkii Gaalkacyo

Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay  weerarkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee khasaaraha weyn geystay.

Qoraal ka soo baxay Qaramada midoobey ayaa lagu dalbaday in kuwii qaraxaas ka dambeeyay la horkeeno caddaaladda.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii lala eegtay maanta garoonka cayaaraha ee Gaalkacyo, kahor hadal jeedinta Raysulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qaraxaasi oo sababay khasaare badan. Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa in kuwii ka danbeeyay dhagartaasi caddaaladda la hor keeno. Waxayna sidoo kale tacsi u diraysaa dadkii waxyeelladu soo gaartay iyo qoysaskooda.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Qaramada Midoobey.

Qaraxa Gaalkacyo ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 qof sida ay sheegeen Maamulka Galmudug.

Back to top button