Somali News

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay weerarkii Muqdisho

Qaraada Midoobey ayaa ka hadashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Maqaayadda Luul Yemeni.

Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey ee James Swan ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in ay cambaareynayaan weerarkaas oo ka mid noqday weerarro ka dhacay Muqdisho.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey xafiiskeeda Soomaaliya.

Qaraxa xalay ayaa ku soo aaday iyada oo hay’adaha deggan Xalane ay todobadkii la soo dhaafay sheegeen in qatar dhinaca amaanka ah ay jirto.
Back to top button