FeaturedSomali News

Qarax ay ku dhinteen askar katirsan ciidanka dawladda oo ka dhacay shabeellaha Hoose.

Wararka aannu ka helaynno degmada Walanweyn ee  gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya  qarax geystay khasaaro oo deegaankaas lagula beegsaday ciidanka millateriga ee Soomaaliya.

 

Inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, ayaa ku nafwaayay qaraxa halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

 

Idaacadda Radio Kulmiya, oo soo xiganaysa dad ku dhaqan deegaanka, ayaa sheegtay in ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay baaritaanno ka bilaabeen degmada Wanla-weyn iyo deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Back to top button