FeaturedSomali News

Qarax ay ku nafweeyeen kuwii waday oo ka  dhacay Muqdisho.

 

Qarax miino oo ay ku nafweeyeen 4 qof oo lasheegay in ay ahaayeen ku wii aasayay  ayaa ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa lasheegay ka  dhacay inta u dhexeysa laamiga mara xaafadda  suuqa xoolaha iyo isgoyska SOOS ee magaalada Muqdisho oo kala qeybiya degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in miinadaasi ay ku qaraxday raggii ku aasayay waddada oo tiradoodu gaaraysay 4 qof.

Goobta qaraxu ka dhacay, ayaa lagu arkayay maydadka raggii rabay in ay aasaan miinada.

Ciidammo ka socda degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa, ayaa lasheegay in ay gaareen goobta, welin majirto wax faahfaahin oo dheeri oo ay bixiyeen laamaha ammaanku.

 

 

Back to top button