FeaturedSomali News

Qarax dadku dhinteen oo lala beegsaday ciidammo dawladda ah | Akhri Xogtan.

 

Ugu yaraan laba ruux, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax Khamiistan maanta lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dawladda oo  ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

Dadka waxyeelladu gaartay, ayaa isgu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidammada dawladda.

Ciidammada dowladda ayaa xiray waddooyinka aagaas kadib markii uu qaraxu dhacay, hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa in dib loo furay .

 

Qaraxyada ka dhaca waddadan xiriirisa magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho, ayaa dhowr jeer soo noq noqday iyaga oo sababay khasaare nafeed oo isugu jira dhimashooyin iyo dhaawacyo.

Back to top button