Somali News

Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Kaxda iyo guddoomiye la dilay

Wararka naga soo gaaraya waaxda 5aad ee Degmada Kaxda ya sheegaya in halkaas lagu dilay guddooniyihii waaxda 5aad ee Kaxda oo magaciisa lagu sheegay Colow, Haweeney ka shaqeyneysay Tallaalka oo lagu magacaabo Faadumo Mataan.

Koox hubeysan ayaa xilkaas geystay iyada oo ay baxsadeen dilka kaddib.

Goobjoigayaal ayaa sheegaya in kooxdu markii ay labada qof dileen ay qaateen Gaari uu watay guddoomiyaha la dilay.

Waxa ay sidoo kale ka tageen Gaari Surf ah oo ay wateen kaas oo lagu xiray walxaha qarxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Kaxda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana kaddib qarxay Gaarigii ay ka tageen.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha uu geystay weerarka Gaariga loo adeegsaday.

La soco wixii soo kordha.

Back to top button