Somali News

Qarax ka dhacay Afgooye

Wararka ka imanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu ka dhacay magaaladaas.

Goobjoogayaal Ku sugan Afgooye ayaa u sheegay Wadani.com in qaraxa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Gaariga ciidanka uu ka badbaaday qaraxa.

Ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka Miinada ahaa ee lala beegsaday Ciidamada dowladda.

Afgooye waxaa maalmihii la soo dhaafay ka Tasha rabshado ka dhashay amar lagu burburinayo xaafadda Imbagaati.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa maanta lala beegsaday Ciidamada dowladda ee Afgooye.

Back to top button