Somali News

Qarax ka dhacay Sladhigga Afar Irdood ee Xamarweyne

Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Ciidanka Booliska Saldhigga ayaa sheegay in qofkaasi la hayo islamarkaana uusan qaraxa ku dhiman kaas oo hadda ku jira xabsiga.

Qofka ayaa tuuray Suun ay ku jireen walxaha qarxa waxaana uu ku qarxay inta u dhaxeysa Iridda Saldhigga iyo Muqdisho Mall.

Dhowr qof oo uu ka mid yahay taliyaha Saldhigga ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa inkasta oo uusan khasaare dhimasho ah geysan.

 

Back to top button