Somali News

Qarax ka dhacay maagalada Borama

Khasaare hantiyeed, oo ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Boroma ee xarunta gobolka Awdal.

Weerar Bambo-gacmeed loo adeegsaday, ayaa hambeenninadii xalay lala beegsaday xarunta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ee magaalada Boroma.

Wararka,ayaa sheegaya  in weerarku uu geystay khasaare hantiyeed, hase ahaatee aanu jirin dad wax ku noqday.

 

Ilaa hadda lama xaqiijin cidda ka dambaysay weerarkaasi iyo sababta loo beegsaday xarunta wasaaradda.

 

Xiisad siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa, ayaa bilihii u dambeeyayba ka aloosan magaalada Boram ee xarunta gobolka Awdal.

 

Bulshada ku dhaqan magaalada, ayaa siwayn uga gadooday Ugaaska Guud ee beelaha godobiirsi oo Somaliland ay iska hortaagtay in uu gala gudaha magaalada wakhti uu ka baqoolay Jig-jiga, waxaana arrintaasi ay sababtay in ay isku dhacaan ciidammo ay Somaliland dhuubtay xadha Itoobiya si’ halkaas loogu celiyo ugaaska iyo qaybo kamida shacabka magaalada oo isagu soo baxay soo dhawaynta Ugaaska.

 

Guud ahaan gobolka Awdal, ayaa ka gadoodsan saami-qaybsiga kuraasta baarlamanka Somaliland, arrintaas oo muddooyinkii dambeba bulshadu ay cod-dheer ku tilmaamaysay in waxlaga qabto.

Back to top button