Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay qarax goordhaweed ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Puntland.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso, kaasoo ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf sida goob joogayaal kala duwan ii xaqiijinayaan.

Ruuxa geeriyooday ayaa magaciisa lagu soo koobay Fadhaye, wuxuuna ahaan darawal kaxeynayay Baabuurka iska rogaha loo yaqaanno oo qaado ciidda iyo dhagxaanta.

Laba todobaad ka hor qarax ismiidaamin ahaa ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo u badnaa saraakiil dowladeed.

Back to top button