Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Lafoole

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qarax ayaa lala beegsaday Maqaayad ay fariistaan Askarta iyo saraakiisha dowladda ee deegaankaas.

Waxaa la sheegayaa in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Askar iyo dad rayid ah oo xilliga qaraxa ku sugnaa maqaayadda.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhabta ah, nooca qaraxa iyo cidda geysatay.

Talaadadii ayey ahayd markii qof isku xiray walxaha qarxa uu ku dhex qarxay Maqaayad ku taalla Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye halkaas oo ay ku dhinteen 7 qof 15 kalena ku dhaawacmeen.

 

Back to top button