Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Sh.dhexe

Wararka ka imanaya deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Qarax Miino uu halkaasi ka dhacay.

Ugu yaraan saddex Askari ayaa Ku dhimatay halka ay Ku dhaawacmeen laba kale.

Dadka dhintay waxaa Ku jira sarkaal ka mid ahaa Milatariga Soomaaliya oo watay Ciidanka lala beegsaday Qaraxa.

Ciidamada la qarxiya ayaa Ku safrayay waddada u dhaxeysa deegaanbada biya Cadde iyo Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Arbacadii la soo dhaafay ayey hayd kaddib markii 18 ka mid ah Milatariga Soomaaliya iyo Taliyahoodii lagu dilay weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Buulalow iyo Doonka oo 5km u jira degmada Afgooye.

Back to top button