Somali News

Qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda

Khasaare ayaa ka dhashay weerar Qarax loo adeegsaday oo Ciidamo ka tirsan Dowladda lagula beegsaday Gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka oo Miino ahaa ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha lagula beegsaday Ciidamada Booliska ee loo yaqaan Haramcad.

Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay hayeeshee Goobjoogayaal la hadlay Wadani.com ayaa sheegay in qaraxa kaddib ay Ciidamada rasaas badan rideen iyaga oo goobta qaraxa xiray.

Booliska Soomaaliya wali kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka Ciidamada Haramcad lagula beegsaday Ceelasha Biyaha.

Back to top button