FeaturedSomali News

Qarax loo dhigay guddoomiyaha maxkamadda Ciidammada oo lafashiliyay

 

Warar laga soo xiganayo saraakiisha ammaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegaya  in ciidammadu ay fashiliyeen qarax laba maalin kahor wadda loogu aasay guddoomiyaha Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Qaraxa, ayaa lagu aasay waddada isku xirto magaalooyinka Doolow iyo Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa loo diyaariyay qarax hase ahaatee ciidammada amniga ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan qarax lala damacsanaa masuuliyiinta.

 

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa gobolka Gedo u jooga maxkamadeynta eedeysanayaal la tuhunsan yahay iney ka tirsan yahiin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta qaybo kamida Soomaaliya.

Maaha markii koobaad ee gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka badbaado  qarax. 12 bilood ka hor ayay ahayd markii guddoomiyuhu ka badbaaday qarax wadda loosii dhigay.

 

Back to top button