Somali News

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay halka 3 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax lala beegsaday Gaari kuwa ka shaqeeya wacyi gelinta Covid19 ah.

Gaariga oo ay lahayd Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay darawalkii waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo kale.

Qaraxa ayaa ka dhacay Darbiga Xarunta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaana goobta tagay gaadiidka Gurmadka deg degga ah oo Meydka iyo dhaawacyada ka qaaday goobta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Muqdisho u qeybiyay gaadiid ay u adeegsadaan wacyi gelinta 19 oo hadda fara ba’n ku haya dalka.

Back to top button