Somali News

Qareen u dhashay Uganda oo ICJ ka dalbaday in dib loo dhigo dhegeysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

David Matsanga oo ah Qareen u dhashay Waddanka Uganda ayaa warqad u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey  Antonio Gutterres,waxaana uu ka codsaday in Maxkamadda ICJ ay joojiso dhegeysiga kiiska Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

David Matsanga, ayaa sheegay in natiijo kasta oo ka soo baxda dhegeysiga kiiskaas ay dagaal ka dhex abuuri karto labada dal oo uusan hadda xiriirkooda diblomaasiyadeed jirin.

Waxaa uu sheegay in ay horseedi karto colaad ka dhalata go’aanka Maxkamadda, dagal dhexmara labada iyo  qalalaase kaleba ay uga dari karaan xaaladda Gobolka.

Qareenkan oo madax u ah Hay’adda Pan African ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan ilaalineyn madaxbanaanida Soomaaliya, go’aanka ay Soomaaliya ku diidday codsiga Kenyana ay gadaal ka riixayaan awoodo shisheeye oo aan Afrikaan ahayn.

Waxaa uu Mr David Matsanga, sheegay in Dalalka Qadar,Imaaraadka, Norway, Turkiga iyo France ay la safanyihiin Soomaaliya islamarkaana ku qalqaalinayaan in kiiska la dhegeysto 15ka Bishan islamarkaana uu go’aan ka soo boxo.

Qareenka u dhashay Uganda ayaa la saftay Kenya isaga oo si aan sharci ahayn faraha ugula jira kiis ka dhaxeeya laba dal oo deris la ah Uganda.

Back to top button