Somali News

QM oo dhexdhexaadin ka billowday DF iyo Dowlad Goboleedyada

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Magaalada Garoowe waxaa maanta gaaray wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Wakiillada ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo kala hadlay xiriirka Dowladda Fedaraalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, u diyaar garowga doorashooyinka qaran, geeddi socodka dib u eegista dastuurka, duufaanta Gati iyo qodobbo kale.

Waxaa ay maalmaha soo socda tagi doonaan dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Back to top button