FeaturedSomali News

Qoor-qoor, oo dhalliilo u jeediyay Deni iyo Madoobe

 

Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Koofur Galbeed,Gal-mudug iyo Hir-shabeelle, ayaa maanta shir wada-tashi ah  uga  furmay magaalada Beydhabo ee xaruunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koofur-Galbeed  Soomaaliya.

Shirkaan ayaa  lasheegay in looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka kusoo wajahan dalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka wada-shaqayn ee u dhaxeeya  saddexdan maamul.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay shirkan uu yahay iskaashi dhinacyo badan ku qotoma sida Amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Laftagareen, ayaa sheegay in shirkani ahaa mid horey loogu ballamay, isla markaan intiisa badan looga hadli doono marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Gal-mudug oo sidoo kale shirka ka hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Axmed Madoobe iyo Deni ay diideen ka qeyb-galak shirkii Dhuusamareeb3, iyaga oo shuruud uga dhigay dalka uusan Ra’iisul Wasaare laheyn, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin Ra’iisul Wasaare ay tageen Magaalada Muqdisho.


Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Qor Qoor Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadallada au miro dhalaan.

 

Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli madaxtooyadda Soomaaliya ay muddeysay xiliga uu furmayo kulan u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo loo balansanyahay 10 bishaan oo ku beegan maalinta barrito.

Back to top button