Somali News

Qoor Qoor oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda Batroolka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoow ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya ahna gudoomiyaha gudiga Injineer Ibraahim Cali Xuseen iyo wafdi uu Hogaaminayay kula kulmay Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulankan oo Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Galmudug C/qaadir Maxamed Saciid ayaa ahaa soo dhaweyn iyo is Xog-wareysi Guud.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya mudane Ibraahim Cali Xuseen ayaa safarka uu ku tagay dhuusamareeb wax uu la xariiraa hormarinta Hay’adda iyo howlaha shidaalka ee dalka iyadoona inta ay ku sugan yihiin magaalada dhuusamareen kulamo looga hadlayo arimaha Hay’adda Batroolka ku yeelandoono halkaasi

Dhawaan ayay hayad markii wafdigaasi ay kulamo la soo qaadeen madaxda Dowlad gobaleedka koonfur galbed.

Back to top button