FeaturedSomali News

Qoor-qoor, oo tababar u xiray ciiddammo katirsan daraawiishta Gal-mudug | Akhri xogtan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor-qoor), ayaa tababar u soo xiray dufcaddii 1aad ee Ciidammada Daraawiishta Gal-mudug oo si buuxda u dhammaysatay tababarkooda.

 

Madxweyne Qoor-qoor, oo khubad ka jeediyay munaasibadda xeritaanka tababarka oo ka qabsoontay xerada ciidanka Indhaqaris ee ku taala duleedka magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in ciidamadani ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Daraawiishta ee Gal-mudug isla markaasna loo dhammaystiri doono xuquuqdooda iyo saanaddooda ciidan.

 

Waxaa uu ciidanka kula dardaarmay in ay sidaacad ah u gutaan waajibkooda shaqo.

 

Madaxweyne Qoor-qoor, ayaa ilaa maalintii shalay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaas oo lasheegay in uu kulammo kala duwan la qaadanayo madaxda-dhaqanka iyo odayada magaalada

.

 

Back to top button