FeaturedSomali News

Qoor-qoor, Waare iyo Laftigireen miyaanay ku qancin qodobada shirkii Dhuusa-mareeb 3?

 

Saddexda madaxweyne ee Gal-mudug, Hir-shabelle iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa ka arrinsanaya sidii ay uga soo qayb gelilahaayeen  shirka Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo loo qabtay in la qanciyo Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmad Madoobe

 

Wararka, ayaa sheegaya in Qoor-qoor iyo Waare, ayaa ku wajahanyihiin magaalada Baydho ee xarunta ku meelgaarka ah ee Koonfur-galbeed halkaas oo lagu wado in ay kula shirayaan madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftigireen) oo ay qayb kawada ahaayeen shirkii qoddobbada laga soo saaray ee Dhuusa-mareeb 3.

Saddexda Madaxweyne ee Gal-mudug, Hir-shabeelle iyo Koonfur-Galbeed, ayaa lasheegay in dhammaantood aanay ku qanacsanayn qodobadii kasoo baxay shirka; hase ahaatee ay u meel mariyeen keliya ku xumaynta Deni iyo Axmad  Madoobe oo diiday shirka.

 

Haddii ay xaqiiq noqoto in aanay ku qanacsanayn qodobadii shirka, waxay u muuqaata in shirkan ay kasoo baxaan heshiisyo aan madaxweyn Farmaajo kuwada farxin sida kuwii lagu gaaray Dhuusa-mareeb 3. Haddiise ay ku qanacsanyihiin, waxaa suuro gal ah in aan goorahaa heshiis dhaw laga gaarin shirka oo uu qaato maalmo aad u badan, maadaama argtida ku aaddan arrimaha dooraashooyinka aad loogu kala durugsanyahay.

Back to top button