Somali News

Qoorqoor: “doorasho aan heshiis lagu ahayn ma dhaceyso”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor )ayaa sheegay in waqtigaan aysan macquul aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah, isla markaana Go’aanka Dowladda iyo dowlad goboleedyada uusan sidaasi aheyn.

Waxaa uu beeniyay hadallo kasoo yeeray Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ahaa in Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada taagersan ay doonayaan in la qabto doorasho hal dhinac, waxana uu sheegay in taasi suurtagal aheyn.

Madaxweyne Qoor Qoor oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegya in doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland in dalka aan laga qabaneyn, isla markaana ay muhim tahay in laga heshiiyo doorashada.

Waxaa uu sheegay Qoor Qoor in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada sadexda ah ee taageersan dowlada uu yahay mid siyaasadeed, isaga oo hadalkiisa intaas uu raaciyay in tabashooyinka jira in la xaliyo ay doonayaan.

 

Back to top button