Somali News

Qoorqoor oo ka hadlay kulan uu la qaatay James Swan

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; Midowga Yurub Nicole Miller, Midowga Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed ayaa shalay gaaray Dhusamareb.

Madaxtooyadda GM kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada DGM. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX.

 

Back to top button