Somali News

Qoorqoor oo saxiixay Xeerar cusub oo uu ansixiyay Baarlamaanka

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

1-Shariga Maarreynta Deegaanka
2-Sharciga Hay’adaha
3-Sharciga Dhismaha Booliiska iyo
4-Sharciga Dowladaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo gudbiyay wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.

Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonaan in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Back to top button