Somali News

Qoorqoor oo shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirrada

Madaxweyanaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ku xigeenkiisa ayaa shir guddoomiyay kulan degdeg ahaa oo ay yeesheen Golaha wasiirrada maamulkaasi.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen inta badan wasiirrada Galmudug ya ujeeddadiisu ahayd dhismaha Golaha degaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirrada ayaa soo bandhigay hindise sharciyeedyo ay diyaariyeen lana horgeynayo Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha uga warbixiyay safarkiisii Muqdisho ee doorashooyinka looga hadlayay.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isaguna Golaha uga warbixiyay safarro uu Ku maray Judah degaannada Galmudug.

Back to top button