Somali News

Qoyska Cali Khaliif oo shaaciyay natiijada baaritaan lagu sameeyay Meydkiisa

Qoyska Marxuum Cali Khaliif Gallayr ayaa shaaciyay natiijada baaritaan lagu sameeyay Meydkiisa.

Baadhitaankii labaad ee lagu sameeyay maydkii AHUN Cali Khaliif Galayr, ayaa la shaaciyey, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday cudur Covid-19.

Xaaskii uu ka geeriyooday marxuunku, Maryam Cabdi Biixi iyo qaar mid ka mid Garaadada iyo madax dhaqameedka Marxuum Galayr,  ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baaritaanka, waxaana ay soo jeediyeen in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka ee sheegay in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.

Cali Khaliif oo Ra’isalwasaare ka soo noqday Soomaaliya sanadkii 2000 ayaa waxaa uu 8dii bishan Ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida.

Back to top button