Somali News

Raggii weeraray Westage oo lagu xukumay

Maxkamad Ku taalla Dalka Kenya ayaa xukun Ku ridday Rag loo heystay weerarkii Westgate ee sanadkii 2013kii lagu qaaday Dalka Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in Maxamed Cabdi oo loo heysto hoggaaminta lagu xukumay 26 sano halka Xasan Xuseen Mistafa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Raggan ayaa loo heystaa dhimashada 67 qof oo Kenyan iyo ajaanib kale isugu jiray kuwaas oo Ku naf waayay weerarka.

Ragga maanta xukunka lagu riday ayaa kiisaskooda dhowr jeer dib loo dhigay iyada oo lagu raadinayay caddeymo kale.

Dowladda Kenya ayaa xilligaas wixii ka dambeeyay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee gudaha dalkeeda iyo gudaha Soomaaliya.

 

Back to top button