Somali News

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulamo kala gaara la yeeshay Madax Sacuudiyaan ah (Sawirro)

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay madaxda dalka Sacuudiga oo booqasho rasmi ah uu ku joogo maalintii labaad.

Boqorka Sacuudiga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.


Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Amiirka Gobolka Riyad Gobolka Maka Feysal Bin Bandar 

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa Qado sharaf  u sameeyay Amiirka Gobolka Riyad Gobolka Maka Feysal Bin Bandar Bin C/casiis.


Kheyre iyo Hamad Bin Salman Albazaci

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa hotelka uu degan yahay kula kulmay Hamad Bin Salman Albazaci, oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.


Kheyre iyo Guddoomiyaha Shirkadda Farsamada Milateriga Sacuudiga Axmed Bin Cuqeyl

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan kula yeeshay halka uu ka degan yahay magaalada Riyaad la-taliyaha xogheynta Golaha Wasiirada Boqortooyada Sacuudiga, ahna guddoomiyaha Shirkadda Farsamada Milateriga Sacuudiga Axmed Bin Cuqeyl.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan gaara la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga Caadil Aljubair.

Tags
Close
Close