FeaturedSomali News

Ra’iisal wasaare Kheyre oo markii labaad Maalmo gudahood kormeer ku tegay Wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa markii labaad muddo 20 maalmood ka yar gudahood ah maanta kormeer ku tegay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ra’iisal wasaaraha ayaa u kuur galay habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee horay wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka wasaaradda,  Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo wasaaradda booqday 23-kii September ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagula dagaalayo fikirka xagjirnimada ku salaysan, wuxuuna faray Wasiirka in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Tags
Close
Close