FeaturedSomali News

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta Deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kadib ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanka socday  looga hadlay halka uu marayo Qorshaha dayn cafinta, ayna uga warbixiyeen Ra’iisal wasaaraha guulaha laga gaaray shuruudaha Deyn cafinta ee dowladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dowladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dardar gelinta cafinta Deymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sanadkan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka Deyn cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Close
Close