FeaturedSomali News

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo waxbarasho Lacag la’aan ah u ballanqaaday Agoonta waalidkood ku dhintay Qarixi Soobe

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisul wasaaraha oo  maanta ka qeyb galay munaasabadda xasuusta Qaran ee Qaraxii October 14, 2017  ayaa ka dalbaday guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre wuuu intaa ku daray “in kooxda arxan laawayaasha, diin laawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u oggolayn in ay is-qarxiyaan, Hase yeeshee, caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed..”

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu umadda Soomaaliyeed uu uga baaqay inay dhinac uga soo wada jeestan la-dagaallanka kooxaha nabadda wax u dhimaya oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Tags
Close
Close